Posts

Showing posts from June, 2026

Guurkaaga Gacmo Kale ha galin.

Guurku waa tiir muhiim ah oo ku dhisan kalsooni, isfaham, iyo asturnaan ka dhexaysa labada isqaba. Marka ay lunto xirfadda maareynta khilaafaadka qoyska,waxaa dhasha qoomamo daba dheeraata. Maqaalkani wuxuu ka warramayaa waaya-aragnimada xanuunka badan ee haweeney aqoon leh oo ka dhalatay qoys sharaf leh, taas oo maanta ka qoomamaynaysa go'aanno ay qaadatay xilli ay ku jirtay xaalad adag. Bilowgii nolosheeda guurku wuxuu ahaa mid caadi ah. Ninkeedii hore wuxuu ahaa nin xanaaq badan, balse lahaa qalbi wanaagsan, isla markaana si degdeg ah u raalli noqon jiray marka uu xanaaqo. Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka qoyska ayaa sii kordhay markii ay sirihii iyo khilaafaadkii gurigeeda la wadaagtay ehelkeeda, saaxiibbadeeda, iyo deriskeeda.   Dadkii ay la tashanaysay ee ay kalsoonida siisay waxay ku dhiirrigelin jireen inay furiin dalbato, iyagoo ku dhiiri-gelinaya fikradda madaxbannaanida iyo inay nolosheeda kaligeed maareyn karto. iyadoo marnaba qofna uusan ku oran "ilaasho guri...