Guurkaaga Gacmo Kale ha galin.
Guurku waa tiir muhiim ah oo ku dhisan kalsooni, isfaham, iyo asturnaan ka dhexaysa labada isqaba. Marka ay lunto xirfadda maareynta khilaafaadka qoyska,waxaa dhasha qoomamo daba dheeraata.
Maqaalkani wuxuu ka warramayaa waaya-aragnimada xanuunka badan ee haweeney aqoon leh oo ka dhalatay qoys sharaf leh, taas oo maanta ka qoomamaynaysa go'aanno ay qaadatay xilli ay ku jirtay xaalad adag.
Bilowgii nolosheeda guurku wuxuu ahaa mid caadi ah. Ninkeedii hore wuxuu ahaa nin xanaaq badan, balse lahaa qalbi wanaagsan, isla markaana si degdeg ah u raalli noqon jiray marka uu xanaaqo. Si kastaba ha ahaatee, dhibaatooyinka qoyska ayaa sii kordhay markii ay sirihii iyo khilaafaadkii gurigeeda la wadaagtay ehelkeeda, saaxiibbadeeda, iyo deriskeeda.
Dadkii ay la tashanaysay ee ay kalsoonida siisay waxay ku dhiirrigelin jireen inay furiin dalbato, iyagoo ku dhiiri-gelinaya fikradda madaxbannaanida iyo inay nolosheeda kaligeed maareyn karto. iyadoo marnaba qofna uusan ku oran "ilaasho gurigaaga."
Markii uu furriinkii dhacay, xaaladdu si lama filaan ah ayay isu beddeshay. Dadkii ay saacadaha badan la sheekaysan jirtay way ka fogaadeen, waxayna isku aragtay iyadoo keligeed wajahaysa murugadii, dhibaatadii, iyo cidladii ka dhalatay go'aankaas.
Waxaa intaas u dheeraaday in ehelkeedii qeyb ka mid ah ay qaybsadeen alaabtii guriga iyo lacagtii meherka iyagoo yiri "waa kuu maalgashanaynaa", balse hal shilin kama siin.
Hadda walaalkeed iyo walaasheeda waxay ku nool yihiin nolol deggan iyagoo cashar ku qaatay dhibaatadii ku dhacday iyada, halka ninkeedii horena uu guursaday oo noloshiisu caadi tahay.Haweenay da waxay hadda habeen iyo dharaar ku dhammaysataa oohin iyo qoomamo, iyadoo dusha u ridanaysa eedda burburka qoyskeeda.
Waxayna ku talinaysaa inaan marnaba dad kale loo oggolaan inay soo dhex galaan arrimaha guurka si loo badbaadiyo mustaqbalka qoyska.
Dulucda sheekadda.
Iska ilaali talada xun, haddii kale waad ka shalayni oo waa laga faaidaysan, Sido kale
Ka fogaaw faragelinta dibadda waxay dammaanad qaadaysaa sharafta iyo xasilloonida gurigaaga.
Xalku muxuu ku jiraa.
Khilaaf kasta wada hadal, dulqaad, iyo isfaham ayaa lagu xallin karaa inta badan, haddii labada dhinac ay diyaar u yihiin inay qoyska ilaashadaan. Dagnantuna Waa muhiim.
Dhamaad
sheekada waxaa ka soo xigtay buug uu qoray د.احمد حسين الرفاع oo la dhaho (أسباب تفشي الطلاق في وقت الحاضر )
mahadsanid,
#burburka_qoyska
Comments
Post a Comment