Posts

wax akhri

Sidee ku kasban kartaa Xirfad wax Akhriska ?

Image
WAX AKHRI AAN HORAMARNE ? Waxaa jiro dad badan oo inaga Mid ah oo Aqoon Wax Akhrinta faaidada Ay le dahay iyo Macnaha dhabta ay lee dahay, Wax Akhrisku Waa Caado habboon in la samaysto, Sababto ah Waxaa jiro Caado badan oo samaysano oo iska malayacni Ah (Bilaash ah) oo Aan faaido laheen, sida inaad Furto Haaben Walbo marka aad sii saxanayso Facebook. iyo waliba baraha bulshada qeybaheeda kale duwan. youtube,twitter,iwm. Ee Aan wax faaido laheen, Wax Akhrisku Sida aan Aaminsnahay Waa Caado hadii Aad Mar baratid Aad jeclaanaysid aadna aad iyo aad ugu riyaaqaysid, wax akhrisku Ma ahan Wax Aad horay ka jeclanaysid ee Waa Wax u bahan dadaal faro badan iyo dulqaad badan, Muhiimda Wax akhriska Wax la koobi karo Ma ah, Wax Akhrisku wuxuu kuu keena Horamar iyo Aqoon faro badan oo ku anfacayso, Wax akhrisku wuxuu kobciyaa Caqliga, Wax fududna ma ah Wax akhrintu, Waxayna ubahan tahay joogteyn Aad joogtayso in badan. Si Aad u samaysato Caado wax Akhrin toos ah. Sido kale Wax akhrintu sida ay Cunt...

Sirta Wax joogteynta...

Image
Sirta joogteynta "  ________________________________________________ “joogteyn” waa waxa ugu weyn ee guul ku gaarsiiyo haddii ay noqoto mid Aduun iyo mid Akhiro, xitaa haddii aad Xirfad wanagsan leedahay ama Fikir fiican ama aad mashaariic hormarsan aad lee dahay, waxaas oo dhan waxa kali ah ee ku sahli ama kugu hogaamiya waa joogteyn, sababto ah wax walbo waxay ubahan yahiin inaad joogteyso, si aad heer-sare uga Gaarto, lakiin hadii ayna joogteyn laheen waxaas oo dhan waxay noqonayan wax adag ama eber, marka joogteyntu waa wax kali ah ee la hubo ee guul walbo la rabo kugu hogaamiya. Hadii ay tahay xirfaddadu wax Qorid, waxaa waajib kugu ah inaad Maalin walbo wax Qorto in-yar ha noqote, haddii kale xirfadaa way kaa tagi ama way dhumi, haddii aad doonaysid baaritaan ama takhsus gooni ah inaad wax ka qorto waxaa waajib kugu ah inaad maalin walbo wax ka akhriso takhasus kaa, muhiimadu wax walbo waxaay naga rabaan joogteyn, si ay u-siyaado xirfaddeena hadii kale way dhumi ama way na...

Qanuunka Afkaadhada.

Image
Qanunka afkadhada Wali ma maqashay qanuun la dhaho, qanuunka afkadhada? Hadii aa tahay dadka Aadka udag-daga ama aa tahay dadka jecel inay wax walba helaan si dhakhso ah, way ku anfici qormadaan   Akhri.!!! Waxaa jirto sheeko ku dhacday qoraa u dhashay Mareykanka, Qisadu waxaa waye qoraagu inuu jeclaa Qudaarta, maalin maalmaha ka mid ah ayuu kasoo laabtay shaqadisa waqti hore. wuxuna yimid guriga. wuxuu arkay xaaskiisa inay joogin guriga, wuxuu aaday Qaboojiyaha si uu ugala soo baxo qudaar u jeclaa si uu ujarjarto, lkn nasiib wanaag wuxuu kala kulmay xogaa qudaar iyo hal Afkadho ah, wuxuu bilaabay inuu jarjarto intii yareed marku uu jarjartay ayuu wuxuu is dhahay. bal afkadhadana ku dar oo jarjaro.. lakiin waa uu kala jari waayay Afkadhadii. wuxuu is dhahay bal soo qaado Mindi tii hore ka yara-weyn si aad ukala jarto Afkadhada, iyaduna way ukala jari waysay. Intu yaabay ayuu wuxu soo qaatay Mindi kale oo wayn. wuu ku tijaabiyay wayna ukala jari waysay, wuxuu soo qaatay faas w...

BILOW WAX AKHRINTA"

Image
BILOWGA WAX AKHRINTAYDA"  _______________________________________________ Waxaan ahaa qof jacel wax akhrinta lkn aan akhrin kutub badan lkn Sanadkii 2019 Waxaan ii suurta gashay wax aan ku haminayay sanado badan oo isoo dhaafay, Wana inan Samaystay Caado Wax Akhrin toos ah, Taa u lama jeedo inaan ahaa qof aan wax ba akhrin jirin. ee  wax waan Akhrin jiray lkn Waxay iska Eheed. wax Aan Markii doono Aan akhriyo. Markaan doono aan iska dhaafo, lkn sanadkii 2019 waxaan samaystay caado ah inaan Maalin walbo wax Akhriyo. hal bog haba noqotee!  Wayna I surta gashay. Wagii hore wax waan akhrin jiray lakiin waxaan Akhrin jiray buug khaas ah, kuwaa oo la iga soo dhigi jiray ISKUULka Ama JAMACADA aan dhigan jiray, lkn nasiib wanaag sanadkii 2019 waxaa ii hirgashay inan Akhriyay bugaag kala Duwan oo ka hadlaya. cilmi kala duwaan, Waxaa isurta gashay inaan Akhriyay 12buug oo kala duwan, bog ahaan waxaan akhriyay 1,847bog , Waa guul I sahashay inan ku raxaysto 2020 wax akhrinta. Sanad...

YOOLKAGA GARRO..?

Image
  Rajadu ma ah riyo kali ah Qof walb Naga mid ah wax buu ku riyooda, lkn dadka qaarki waxay ku riyodaan wax badan si Ay u xaqiijiyan yoolkoda khaaska ah ee nolosha ka lee yahiin. Riyooyinka qaar ee dibada nooga yimaada waa kuwa Aad u qoto dheer, Riyoyinka qaar Waxaa suuro gal ah inay ku dhashaan adigo dhex fadhiyo dad badan Ama meel cariir ah, ama adigo socdo jidka dhexdiisa ama adigo hurda habenkii. Lakiin riyoyinka Qaar waxay ka soo hor jeedaan yoolkaga Saxda ah ee nolosha Aad  tiigsanaysid, Ama Aad u dagaalamaysid dartod,   Riyoyinka qaarkod waxaa suurta gal ah waligaa inta ka dhiman noloshaada inay kula nooladan ama aad wax un ku riyootid, lakiin riyo kali ah meel fog kuma gaynayso.  Haddana had iyo jeer Waa surta gal riyo maalmeedku inay nagu dhiira galiyaan inaan wax hal-abuurno ama keeno wax cusub , lkn riyadu   waxay noga bahan tahay inaan u badalno wax qabad iyo dadaaal joogta ah, Sababto ah riyo kali ah waxba ma suurta galiso. lkn waa inaan ogaano fa...