Qanuunka Afkaadhada.
Wali ma maqashay qanuun la dhaho,
qanuunka afkadhada? Hadii aa tahay dadka Aadka udag-daga ama aa tahay dadka
jecel inay wax walba helaan si dhakhso ah, way ku anfici qormadaan Akhri.!!!
Waxaa jirto sheeko ku dhacday qoraa u dhashay Mareykanka, Qisadu waxaa waye qoraagu inuu jeclaa Qudaarta, maalin maalmaha ka mid ah ayuu
kasoo laabtay shaqadisa waqti hore. wuxuna yimid guriga. wuxuu arkay xaaskiisa
inay joogin guriga, wuxuu aaday Qaboojiyaha si uu ugala soo baxo qudaar u jeclaa
si uu ujarjarto, lkn nasiib wanaag wuxuu kala kulmay xogaa qudaar iyo hal Afkadho
ah, wuxuu bilaabay inuu jarjarto intii
yareed marku uu jarjartay ayuu wuxuu is dhahay. bal afkadhadana ku dar oo jarjaro.. lakiin waa uu kala jari waayay Afkadhadii. wuxuu is dhahay bal soo qaado Mindi tii
hore ka yara-weyn si aad ukala jarto Afkadhada, iyaduna way ukala jari waysay.
Intu yaabay ayuu wuxu soo qaatay Mindi
kale oo wayn. wuu ku tijaabiyay wayna ukala jari waysay, wuxuu soo qaatay faas
wuu ku dhuftay way ukala jari waysay, intu ka yaabay Adeegedda ayuu galiyay Makiinad u taalay guriga taas oo uu ku jajabin jireen barafka iyo Wax yabaha
adag oo dhan, lkn nasiiib xumo waxba may uqaban.
Xooga kadib waxaa uyimid xaaskisa
uu jaclaa wuxuuna uga waramay sheekadii qabsatay oo eheed inu kala jari kari
wayay afkadhadi si walba isugu dayay, waxaana jarjartay qudartii kale. ee waxaan
ku wayddiyay sidee ukala jari jirtay? oo anigo kaa muruq-weyn aan ukala jari
kari wayay?
Intay ku qososhay ayay ku
tiri. idhagayso.. Aniga iyo Adigaba mid keen ma Awooddo inuu kala jaro ama kalo
furo afkaadhada ilaa ay ka-bislaato, marki
ay bislaato ayaan kala furi karnaa oo
kali ah, marka sheekada ayaa ah wax
walbo waqti ay ku-bisladaan ayay le yahiin. waxba ha dag dagin, waxbaa
tiigsanaysaa sugg” ku dadaal” waad gaari mar un i.s .
Gunaanadka sheekadda
Sheekadan waxaan ka faa’idaynaa in qorshahenna iyo mashariicdeenna ay ubahan yahiin waqti ay ku bislaadaan waayo
waxaan waqti la galin ama loo dulqaadan lama helo inta badan.
Waxaan kalo ka baranaynaa inay suurta gal tahay inaan noloshena caadiga
ah aan ku sameyn karno sharciga afkadhada. si aan uga jahwareerin waxaan sugayno, natiijo
kasta iyo marxalad walba, waxay nooga bahan tahay inaan si wanaagsan u qorshayno oo taxaddar
leh, waana inaan ushaqayno si joogta ah aana muujino dulqaad. ilaa ay ka gaarto xiliga ugu habboon .
waxaan kalo ka faa’idi karnaa qanunkan, tarbiyaynta Caruurta sababto ah caruurta waxaan haboon inta ay yar
yahiin inaan barno akhlaaqda wanagsan iyo qaab fakirka wanaagsan iyo xirfadaha wanaag,
si ay uga faa’iidaystan marka ay waynaddan ama ay gaaran waqtiga ugu habboon,
waxay ka dhigi doonta dhalinyaro
firfircoon rag iyo dumar ba, waxayna
uga faa’iidayn donaan bulshada ay la nool
yahiin,
waxaa jirto oraah carabi ah oo caaan
oo dhahayso “ qofkii dadaalo wuu helaaa” haa sax. qofkii dadaalo
waa helaa lakiin waa markii aad dulqaad samayso oo nala gaaro waqtiga ugu
habboon ayaad helee dadaalkaga, sidaa
ayaa sax ah. halkaa ayan ku soo koobaya
qormadan,
Sheekadan waxaan ka soo xigtay DR. Tareq
Al-Suwaidan.
=======================
W/Q; Abdirahman abdullahi
Mahadsanid, dhamaad, la wadaag asxaabtada,
Comments
Post a Comment