BILOW WAX AKHRINTA"



BILOWGA WAX AKHRINTAYDA"

 _______________________________________________

Waxaan ahaa qof jacel wax akhrinta lkn aan akhrin kutub badan lkn Sanadkii 2019 Waxaan ii suurta gashay wax aan ku haminayay sanado badan oo isoo dhaafay, Wana inan Samaystay Caado Wax Akhrin toos ah, Taa u lama jeedo inaan ahaa qof aan wax ba akhrin jirin. ee  wax waan Akhrin jiray lkn Waxay iska Eheed. wax Aan Markii doono Aan akhriyo. Markaan doono aan iska dhaafo, lkn sanadkii 2019 waxaan samaystay caado ah inaan Maalin walbo wax Akhriyo. hal bog haba noqotee!  Wayna I surta gashay.

Wagii hore wax waan akhrin jiray lakiin waxaan Akhrin jiray buug khaas ah, kuwaa oo la iga soo dhigi jiray ISKUULka Ama JAMACADA aan dhigan jiray, lkn nasiib wanaag sanadkii 2019 waxaa ii hirgashay inan Akhriyay bugaag kala Duwan oo ka hadlaya. cilmi kala duwaan, Waxaa isurta gashay inaan Akhriyay 12buug oo kala duwan, bog ahaan waxaan akhriyay 1,847bog, Waa guul I sahashay inan ku raxaysto 2020 wax akhrinta.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2020 waxaan akhriyay 14buug, bog ahaan waxaan Akhriyay 1,601 bog, isku dar waxaan akhriyay labo sano gudaheed 26. buug, bog ahaana waxaan akhriyay 3,448bog. Wax yarn ma ah runtii, waayo waggii hore ma akhrin jirin kutub dhan intaas, Wana wax Ifaraxad galisay, igu na dhiira galinayso inaan 2021 halka ka sii wado wax akhrinta.  Sababto ah. waa wax wanaagsan inaad samaysato Caado wax akhrin toos ah, Wax Akhrintuna waa wax kali ee ku sahli karo inaad ogaatid wax badan oo mugdi kaga jiro nolosha. waa iftinka nolosha.

Maxaan ka bartay?

waxaan ogaaday inay suurta gal tahay inaad Samaysato Caado Wanaagsan, ha noqoto mid wax akhrin ama mid wax qorid ama waxay doonta ha noqote,  Waxana kalo ogaaday inay haboon tahay inu qofka sameysto caado wanaagsan taas oo u sahlayso guul Aduun iyo mid Akhiro,  sababto ah. dadkii Hore ama kuwa Maanta, ee guulaha la Taban karo noloshooda ka gaaray, Ee ah kuwa mudan in lagu  daydo, hadii Aad Akhriso qisooyinka noloshoda, waxad ka helaysaa caado Ay sameyn jireen maalin walbo, marka waa muhiim inaad ku dadaasho Samaysiga caadoyinka wanaagsan, sida wax akhrinta iyo wax qorida iyo jimciga iyo cunida cunto cafimaad leh. iwm…

Waqti la Qaado buugga!.

Waa wax wanagsan in waqti lagu bixiyo wax akhrinta, sababto ah Abwaan hore ayaa dhahay “saxiibka ugu wanaagsan ee waqti lala qaato waa buugga” sidaas awgeed wax akhrinta waa muhiim. wayna haboon tahay in saxiib laga dhigto, wax akhrintu waxay kor uqaadaa awoodda qofka iyo garashada qofka biniaamka ah, waa wax wanagsan waqtiga in looga faaidaysto wax akhrinta, sababto ah. wax badan bad ogaani, Garaad ahana wax badan baa kuu kordhi. markii aad wax badan Akhriso.

GUNANADKA QORMADA.

tallo dooro buugaagta wax tarka leh ee ku dhiso oo aan ku dumin, maxaa yeelay wax akhrisku wuxuu u dib usoo nooleya ummadaha wuxuuna ka dhiga kuwa ilbaxnimo leh iyo fikir wanagsan, sidoo kale waa inaad ka fogaataa buugaagta aan waxtarka laheen ama wax halaagga ee xambaarsan fikradaha khaldan, maadaama buugaagta noocaas ah ay burburiyan umadda iyo fikar suuban ee ay haysatan.

MAHADSANID, Dhamaad, LA WADAAG ASXAABTADA.  

_____________________________________________________________________________________________________

W/Q: ABDIRAHMAN ABDULLAHI                              DATE: 12.02.2021


Comments