YOOLKAGA GARRO..?
Rajadu ma ah riyo kali ah
Qof walb Naga mid ah wax buu ku riyooda, lkn dadka
qaarki waxay ku riyodaan wax badan si Ay u xaqiijiyan yoolkoda khaaska ah ee
nolosha ka lee yahiin.
Riyooyinka qaar ee dibada nooga yimaada waa
kuwa Aad u qoto dheer, Riyoyinka qaar Waxaa suuro gal ah inay ku dhashaan adigo
dhex fadhiyo dad badan Ama meel cariir ah, ama adigo socdo jidka dhexdiisa ama
adigo hurda habenkii.
Lakiin riyoyinka Qaar waxay ka soo hor jeedaan yoolkaga
Saxda ah ee nolosha Aad tiigsanaysid,
Ama Aad u dagaalamaysid dartod, Riyoyinka qaarkod waxaa suurta gal ah waligaa inta ka dhiman noloshaada inay
kula nooladan ama aad wax un ku riyootid, lakiin riyo kali ah meel fog kuma gaynayso.
Haddana had iyo jeer Waa surta gal riyo
maalmeedku inay nagu dhiira galiyaan inaan wax hal-abuurno ama keeno wax cusub, lkn
riyadu waxay noga bahan tahay inaan u
badalno wax qabad iyo dadaaal joogta ah, Sababto ah riyo kali ah waxba ma
suurta galiso.
lkn waa inaan ogaano farqi udhaxeyo Riyo maalmeedka
iyo qofka wuxu rajeynayo ama uu rabo?
Hadaba Riyo maalmeedku waa inu qofku rabo wax
aan suurtagal eheen ama u rabo inu khayaali un iska noolado, lakiin Rajadu waa inaad rajayso wax yaabo kooban aad
na sameyso qorsho cad Si aad usuurto galiso hal hal, waxaa aad rajaynayso ama aad rabto haba yaraadane.
Xaqiiqada waa
halka kaliya ee nagu hagi karto wadadda
aan rabno inaan Aadno, halka riyaduna ay nagu caawinayso kali ah inan xalino
dhibaatoyinka iyo qorshahena mustaqbalkene,
waxaa jirto
oraah dhahayso ,( A goal without plan is only a dream ), oo Macnaheda yahay “ yool Aan qorshe lahayn waa riyo keli ah" .
gunanadka qormada.
Wax walbo
qalbigaga ku soo dhaco haddii aad tiraahdo waan sameeyn. waxaa ka lumi ama jahwareer kaa gali wax yahabaha ku khaas ah ee noloshada si dhab ah u rabto inaad
ka miro dhaliso.
lkn rajooyinkaga khaaska ah ee aad rajaynayso Waad xaqiijin kartaa. waa hadii aad hal hal u abaarto aad la timaado qorsho cad.
Riyooyinka qaar
waxay ku ilowsiyaan nolosha dhabta ah ee aad la nooshahay marka isku day inad
khiyaaaliga badan iska yareyso oo yoolkaga aad garatid. ku dadaal yoolka aad doonaysid ee ku khaaska ah.
Dhamaad, mahadsanid, sii gudbi la wadaag asxaabtada .....
W/Q : Abdirahman Abdullahi muhumud
Comments
Post a Comment