Sidee ku kasban kartaa Xirfad wax Akhriska ?



WAX AKHRI AAN HORAMARNE ?

Waxaa jiro dad badan oo inaga Mid ah oo Aqoon Wax Akhrinta faaidada Ay le dahay iyo Macnaha dhabta ay lee dahay, Wax Akhrisku Waa Caado habboon in la samaysto, Sababto ah Waxaa jiro Caado badan oo samaysano oo iska malayacni Ah (Bilaash ah) oo Aan faaido laheen, sida inaad Furto Haaben Walbo marka aad sii saxanayso Facebook. iyo waliba baraha bulshada qeybaheeda kale duwan. youtube,twitter,iwm. Ee Aan wax faaido laheen, Wax Akhrisku Sida aan Aaminsnahay Waa Caado hadii Aad Mar baratid Aad jeclaanaysid aadna aad iyo aad ugu riyaaqaysid, wax akhrisku Ma ahan Wax Aad horay ka jeclanaysid ee Waa Wax u bahan dadaal faro badan iyo dulqaad badan, Muhiimda Wax akhriska Wax la koobi karo Ma ah, Wax Akhrisku wuxuu kuu keena Horamar iyo Aqoon faro badan oo ku anfacayso, Wax akhrisku wuxuu kobciyaa Caqliga, Wax fududna ma ah Wax akhrintu, Waxayna ubahan tahay joogteyn Aad joogtayso in badan. Si Aad u samaysato Caado wax Akhrin toos ah. Sido kale Wax akhrintu sida ay Cuntada jirka u Quudiso Ayay Wax Akhrintuna Caqliga u Quudisaa, Ka Islaam ahaan Wax Akhrinta Muhimadeda waxaa ku soo dagtay Surad dhan, waliba suuradii uhoreysay ee ku soo dagatay Nabigeena suuban Maxamed (s.c.w) isago joogo godkii Qaarul xiraa ee Magalada makkah, Surat (calaq).


Sidee Suurta Gal u tahay inaad Samaysto Caado Wax Akhris?

1. Akhri Maalin walbo in Yar, sababto ah Wax yar oo Akhriso waxay keenta inaad wax badan Aad Akhriso, surta galna ma ah inaad Wax Akhrinta ka bilowdo wax badan, Wax walbo waxay u bahan Yahiin, inaad u bilowdo in yar in yar, waayo waxaa jirto oraah dhahayso, “ wax yar oo la joogteyo Ayaa ka wanaagsan wax badan oo la Go’gooyo, “

“ قليـــــــــــل دائــــم خـــــير مـــن كــــثير منقطـــــــــع “

Marka ‘’Wax yar oo Aad Akhriso Maalin Walbo oo kala go, laheen, baa ka wanagsan wax badan oo joogteyn karin, marka iskuday inaad akhris maalin walbo hal bog. waxaa arki adigoo akhrinayaa 10bog maalin ka danbe.

2. Dabeecad ka dhigo, Ama ficil Sameyntiisu kuu Dhib yar tahay, Sababto ah Sirta joogteyntu ama Caadadu…. Waxay ubahan tahay in laga dhigto mid dhib yar .. si shayga la Rabo ku guulaysigiisa uu u-noqodo shay samaytisu Dhib yar tahay. ama ay fudayd u-noqoto Caadada Aa samaynaysid Maalin walbo, Waayo mar walbo Caado wanagsan Aad samaysid, waa mar walbo Awooddadu Ay siyaaado ay ku fududato, Aad na kasbato xirfado badan, iyo Caadoyin badan.

3. Waa inaad noqoto qof rabo wax Akhrinta, hadii Aad rabin wax akhrinta Marna suurta gal ma ah inaad samaysto Caado Wax Akhris, Waa in laga helaa rabitan kadib suurta gal inad samaysto Caado wax Akhrinta toos ah, waxaa kalo jirto oraah dhahayso.

“ القراءة تمنحنا مكانا اخراً نذهب اليه عندما نضظرب لبقاء في اماكننا”

Wax Akhrisku” Wuxuu noo Suurta galiya inaan Aadno Meel kale inago joogno isla Meeshena ” meshan ku suganahay.

Marka Akhriso qisooyin Hore. oo Ka Dhacay maagalo kale, waxaad dareemi quruxdii iyo dhacdadii Waxayna Kula Noqon inaad isla Magaladi Ay ka dhacday inaad joogtid.


GUNAAANADKA QORMADA ,

Wax Akhri Aad Aqoon Darada ka baxdide, Wax Akhri Aad Wax badan aad ogaatide, wax akhri aad garatid Rabigii ku umee. dadkeeygow ILaaha idin ka dhigo ku wax badan Akhriyo oo uga faa’iideyo umadooda, AMIIIN.

DHAMAAD,MAHADSANID, la wadaag Asxaabtadda.

W/Q : Abdirahman iraad




Sawirka Waa jidka Gala  Khartoum International Airport mar aan ka imid jamacada , aan usocday xafadayda
sawirka Waa Sudan, jidka gala Khartoum International Airport, Waa mar aan usocday Xafadayda aan ka imid Jamacada.

Comments