Sirta Wax joogteynta...




Sirta joogteynta "

 ________________________________________________

“joogteyn” waa waxa ugu weyn ee guul ku gaarsiiyo haddii ay noqoto mid Aduun iyo mid Akhiro, xitaa haddii aad Xirfad wanagsan leedahay ama Fikir fiican ama aad mashaariic hormarsan aad lee dahay, waxaas oo dhan waxa kali ah ee ku sahli ama kugu hogaamiya waa joogteyn, sababto ah wax walbo waxay ubahan yahiin inaad joogteyso, si aad heer-sare uga Gaarto, lakiin hadii ayna joogteyn laheen waxaas oo dhan waxay noqonayan wax adag ama eber, marka joogteyntu waa wax kali ah ee la hubo ee guul walbo la rabo kugu hogaamiya.

Hadii ay tahay xirfaddadu wax Qorid, waxaa waajib kugu ah inaad Maalin walbo wax Qorto in-yar ha noqote, haddii kale xirfadaa way kaa tagi ama way dhumi, haddii aad doonaysid baaritaan ama takhsus gooni ah inaad wax ka qorto waxaa waajib kugu ah inaad maalin walbo wax ka akhriso takhasus kaa, muhiimadu wax walbo waxaay naga rabaan joogteyn, si ay u-siyaado xirfaddeena hadii kale way dhumi ama way naga Qarsoomi, sido kale joogteyntu waxay aad ugu u fican tahay GANACSIGA , tusaale .. Hadii aad maqayad (Mehrad) lee dahay. macamisha waxay ka filayaan cunto wanaagsan lkn hadii aad joogteyn wayso macamisha waad wayni,

Waxaad joogtaynayso hadii aad in-yar joojiso waxaa dhumi ama aad wayni xirfadii aad isku taxluujinaysay inbadan, marka waxaa qasab ah inaad aad joogteyso waxa aad jeceshahay ama aad doonaysid, lakiin waxaad ogaataa inyar oo joogteyso ayaa keento wax weyn hadii lagu celceliyo. Joogteyn la,aanta waxay keentaa wax la,aan.

Sidoo kale waxaa dhacdaa. xiriirka ILaahay hadii aad joogteyso hal shay. Waxay adkeyn kartaa xirirka ilaahay aad la lee dahay inbadan, rasuulkena s.c.w wuxuu yiri ( ilaahay shaqo la qabto wuxuu ugu jecel yahay wax la jooteyo haba-yarade).

Inaan jooogtayso halsheey waa xirfad aan la rumaysan karin Awooddeda, suurta galna ma ah inay halmar iska dhalato waxaad joogteynayso. Waxay ubahan tahay Dulqaad iyo Waqti inaad galiso inbaddan. si aad wax joogteyntu ay kuugu hirgasho.

Joogteynta aan sheegayo waa inaad joogtayso hal shay kali ah, ama aad ku xanuunsan tahay hal shay kali ah, Aadna u samayso si isku Xig-xigto aan kala joogsi laheen. isku day inaad isbarto wax joogteynta Wanaagsan dhankey rabto ha noqoto noloshe. Cibaado. wax akhris . jimicsi. dabeecad wanaagsan IWM  wsc. 

Sidoo kale waxa yar oo la joogteyo waxay nagu hogaamiyen wax weyn, waxaa jiro buug uu qoray james clear oo la dhaho (tomic habit) " If you get one percent better each day for one year, you'll end up thirty-seven times better by the time you're done "

wuxuu le yahay hadii aad wanaajiso boqolkii hal maalin  sanadkaa guduhiisa, waxay kugu hogaamin 37 boqolkii wanaag sanadka marku sii dhamanaayo.     yacnii maalmo yar baa kugu hogaaamini wanaag badan hadii aad wanaag joogteyso  


Qalinka : Abdirahman iraad

Comments