Sax fikradadda si ay wax tar u-noqoto!


Sawirka waa mar aan joogay Sudan, KHARTOUM, siiniya,beerta dimishiqi,

..............................................................................................................................................
fakir ka  inaad tahay qof wax tar lah
ASC
Waxaa Jiro kala duwanaasho u dhaxeeyo inad tahay qof wax badan qabta iyo inaad tahay qof wax tar leh, waxaa laga yabaa inaad markasta mashquul san-tahay lkn natiijadaadu Ay tahay mid liidata, Ama tallaaboyinkaggu ay yihiin kuwa aan  wax tar  laheen Ama ayna gaaraynin natijadii aad rabtay,
qodobka ugu muhiimsan ee Go’aamiya wax ku ool nimadeena ama Waxa Aan Sameyno Wax kabadalo …. Waa maskaxdeena  Ama wax la yiraahdo ENGLISH  paradigm ama qaabka.

Tusaale: Fahamka ama Aragtideena ugu haboon ee guusha, sida in la yesho maal ama in la tarbiyeyo caruur ama ha ahaato in guul weyn la gaaro, sida inaad dhameyso jamacad Ama Qorsha Aad rabtay inaad ku Guulaysato, lkn haddii Ay uu khaldan yahay faham keena Ama Aragtida Aan ka haysno guusha, taas Waxay dhib u keeni kartaa Wax tarkeena. ama Wax Soo Saarkeena ama guuusha aan rabno Inan ku gulaysano. Tusaale “ hadii ay aragtidaadu ama fahamkaga yahay  inad guul Gaartid ama  Xirfad Aad u sarayso Aad rabto inad kasbato, Aad na Aamin-santahay in lagu dhasho Mooye aan la Gaari Karin Guusha aad rabto Ama xirfad aad rabto inaad kasbato, Taasi  waxay ka hor istaagi kartaa  guusha aad rabto inaad gaarto. ama xirfad walbo kasban kartay Ayay ka hor istagi kartaa.

Taas na waxayna kuu keenaysaa inaad wax walbo oo Aad isku dayi laheed ama wax walbo aad baran kartay ama xirfad walbo kasban kartay Aad iska daysid, Sababto ah Waxaad is le dahay inaad ku dhalato mooye  ma kasban kartid, ama ma guulaysan kartid, ama heer sare ma gaari kartid, waa nasiib xumo iyo faham xumi.

laakin hadii Aad badasho fahamka ah in lagu dhasho mooye aan la guulaysan karin, haddaba waad Awooddi inaad guul kasto Aad Gaarto, Wadna kasban kartaa xirfad walbo is le dahay kasbo, sida hadii Aad rabto inaad noqoto Dhakhtar ama Injineer Ama Xisaabiye wad noqon kartaa Iwm, laakin waa inaad Aamintaa in la baran karo wax walba, oo Ayna jirin wax shuruud ah oo ka hor istaagi karto, mana  jirto wax la yiraahdo, in lagu dhasho mooye lama baran Karo. suurta galna ma ah qof walbo inu ku dhasho mooye uu na gaarin Karin guusha uu rabo. qofna ma guulaysteen guulaha la rabo hadii lagu dhalan lahaa, 

Aqoonyahanka weyn ee la dhihi jiray Einstein Aya dhahay “DADka hal-abuurka leh ee Guusha Gaara boqolkiba waa 1% halka  99% Ay tahay dadaalka Adag ay la yimadan dadku, inaad u dhalato hal abuurnimo kuma keenayso guul, ee dadaal adag bay u bahan tahay mar walbo guusha.
 GUNAANKA.
fahamka iyo Aragtida yay naga khal-damin. Wax la yiraahdo Ma jiro inaan udhasho mooye ma baran karo, Aduun kan wax walbo Waa dadaal iyo isku day un, Guul walbo dadaal rabtaa si Aad u xaqiijiso,  Anigu Waxaan bartay ku takhasusay Xisaab oo ugu necbaa inta mawaad Aan qadan jiray waagaan Iskuulka dhigan jiray. haddaba si aad u noqoto qof wax tar leh. isku day inaad Saxdo fikradada mar walba.
MAHADSANID.DHAMAAD. LA WADAAG ASXAABTADA. 

Qalinka  : Abdirahman abdullahi muhumud ...  


Comments