KU QANAC Waxaad Haysato !!!
![]() |
Waa mar aan joogay masjid weyn ee g. maxamud ee magalada Garrissa. |
Dhacdo mudan. in wax laga barto.
Nin baa Wuxuu rabay inuu iska iibiyo gurigiisa uu daganaa, si uu udago guri kale oo ka qurux badan, wuxuu u-yeeray mid Ay saaxiibo ahan jireen, saaxiibkina wuxuu ahaa nin dhaqaalo yahan ah, oo khabiir ku ah dhanka dhaqalaha iyo guryo iibinta. wuxuu na ahaa saaxiibkii nin ku fican iibinta guryaha iyo Suuq geyntoda, Wuxu ka dalbaday saaxiibkii inuu u-qorro codsi uu ku dalbanayo inuu iska iibiyo gurigisa, Wuuna u qoray, Wuxuuna usheegay faah-faahinta guriga oo dhamaystiran, Wuxuuna yiri... Waa guri ku yaal meel qurux badan, leh barxad Aad u weyn, leh beer qurux badan, leh berkad weyn oo lagu qabaysto, kuna fadhiyo dhul weyn o qurux badan, wuxuuna ugu daray Sawir Leh Hab dhismeed qurux badan, markuu maqlay xayaysiinta la qoray iyo sawirka guriga, kii guriga lahaa intu aad uu yaabay guriga qurux-diisa Ayuu dhahay. bal igu celi fadlan, qaab dhis-meedka guriga.
Waa loogu celiyey, saa intuu aad ula fajacay guriga quruxdiisa, Ayuu dhahay waxaan ku riyoon jiray guri kan camal ah inbadan, maana ogeeyn inaan ku Noola gurigaas, markaa maqlay qaab Dhis-meed ka Ayan ogaaday inaan ku noolahay guriga aan inbadan jeclaa, intu qoslay Ayuu dhahay fadlan gurigayga Iib ma ah, ee ha iga' iib geynin adigo mahadsan. kkkk,
Waa loogu celiyey, saa intuu aad ula fajacay guriga quruxdiisa, Ayuu dhahay waxaan ku riyoon jiray guri kan camal ah inbadan, maana ogeeyn inaan ku Noola gurigaas, markaa maqlay qaab Dhis-meed ka Ayan ogaaday inaan ku noolahay guriga aan inbadan jeclaa, intu qoslay Ayuu dhahay fadlan gurigayga Iib ma ah, ee ha iga' iib geynin adigo mahadsan. kkkk,
GUNAANAD KA SHEEKADA .
Waa Xaqiiqo jirto maanta oo Ay ka cabanayaan Dad badan oo inaga mid ah, Si walbo oo ay guul u gaaran. ma arkan guushooda, waxay arkaan kaliya guulaha dadka kale Ay Garaan, Runtii na Waa dhibaato aad u-weyn, Ma Aragno waxaan Haysano kali waxaa noo Muuqdo dadka kale waxay Haystaan, markaa arki wayso waxaad haysto, aadna Aragto Dadka kale waxay Haystaan. waxay kugu keeni kartaa qalqal iyo cabsi iyo walbahaar joogta ah, marka ku Qanac Waxa Aad Haysto mar walbo si aad farxad iyo wanaag udareento. waxaa Jirto oraah dhahayso,
Farxada ka Raadi beerta da ee haka raadinin beerta dad kale, oo ah farxad ka raadi inta aad haysto ee haka raadin inta kaa maqan.MAHADSANID, DHAMAAD, LA WADAAG ASXAABTADAN.
===============================
Sheekada waxaan ka soo xigtay buug uu qoray Dr.Ibraahim alfiqi.
Qalinka : Abdirahman Abdullahi.
Comments
Post a Comment