360 Maalin !!!
WAA FURSAD WEYN U BAHAN KA FAAIDAYSI,
Waa Fursad ubaahan inaan ka faa'iidaysano, Qof naga hor istaagsan uu jirin, ilaa Aan anagu aan iska hor istaagno mooye, Waxaan nahay dad jecel ka hadalka wax tagay iyo waxa soo socdo, ka Hadalka wax tagay waxba noo sheegi Mayso. sababto ah waxba noo kordhin mayso, ilaa aan rabno inaan Wax ka barano mooye, Casharadii wax ku Ool ka Ahaa ee na soo marey mooye, Sida inaan ka baranayno Inuu Jimcisigu caafimaad yahay, in la seexdo Haben kii Waqti-hore ay wanaagsan tahay iyo wixii la mid ah,
Sanadkii tagay Waxaa ku jiray casharo wax ku Ool ah, Waxaa waajib nagu ah inaan ka barano wax badan, Sida inaan badalno wax baddan oo horay usameyn jiranay.!! sida hadii waqti ku Dhumin jirnay baraha-bulshada aan sanadkan waqtigeena wax akhris ku badalnaa, Ama hadii Aan dhafri jirnay Habenkii oo dhan waa inaad sanadkan aan dhafarka ku badalnaa wax ka fiican, iwm.
Si walbo usoo marnay tijaaboyin Adag oo xanuun badan, Ama si walbo oo Ay Murugo noo Hayso waa qeyb ka mid ah Maalmaha Nolosha, Taas ulama jeedo nolosha inay Tahay mid xanuun badan, sidaas u lama jeedo ee way lee dahay Nolosho Macno wanagsan oo qurux badan, lkn nolosha waxay macaan tahay qofka markuu waqtigiisa iyo caafimaadkisa uu uga faa'iidaysto wax wanaagsan oo akhiro iyo adduun faa'iido u leh.
Ma jirto Sanad Sanad ka fican ama ka wanagsan, Maalintu waa Maalintii, Haben ku waa Haben kii, wayna Socon ilaa aan ILAAH xagisa uga laabano, waxa is badalayo ama uu waqtiga uu ku socdo waa inagga. sanad hadii uu dhamaad da'a baa nagu kordhayso, waana inaan wax baddan oo khaldamey baddalna, waxaan haysano waa waqti koobban, waa inaan waqtigeena iyo cafimaadka aan haysano aan wax fican ku qabsanaa adduun iyo akhri Nacfi noo leh.
Markaa waa inaan go'aan qaadano si aan sanadkan yool u-dhigano, kaas oo aan rabno inaan nolosha wax ugu baddalno, ama aan rabno inaad nolosha ku hormarino, waa Adiga qofka go'aansan wax walbo xun inaad ku badasho wax walbo wanagsan, adigay ku xiran tahay guul-Walbo aad rabto Noloshada, waana muhiim inaan ka fiirsano go'aamada aan qaadanayno noloshena.!
GUNANADKA QORMADA.
Ogow Hadii Aad Maanta Go'aan sax ah aad qaadanin, marna suurta gal ma ah inaad noloshada aad wax ka badasho, sanad walbo wuxuu nagga rabaa casharadii xum-xumaa ee sanadkii hore aan ka baranay inaan iska ilaalino sanadkan, sida hadii aad laheed CAADO xun waa inaad sanadkan cusub ku badashaa caado wanaagsan. Go,aan walbo na wuxuu noogga bahan yahay Geesinimo,
hadii aad wax rabto inaad bilowdo, waxba ha sugin go,aan qaado, ALLAH tallo saarro, horeyna ka bilow waxaa jirto oraah DHAHAYSO. "the journey of a thousand miles begins with a single step", Oo macnaha yahay "safar kun mily ah wuxuu ka bilaabmaa hal tallaabo". marka bilow wax walba oo aad is le dahay nolosha hormar ayaad ku gaari haba-yaraade. ciyaar ma ah 360 malin isku-day inaad ka faaidaysto sida ugu wanaagsan. u-bilow sanadkaga si sax ah.
" Sanadku haku wacnaado "
Mahadsanid,DHAMAAD,


Comments
Post a Comment