HA U-DHIGIN DIB !!
Sheeko dhex martay qoraa la yiraahdo mark twein iyo kaluumayste,
__________________________________
Dib ha u dhigin wax aad maanta qaban karto, waa maah maah carabi ah oo inta badan dadku yaqaanan lakiin ay dadku badanaa ku dhaqmin, Qoraaga weyn ee la
yirahdo Mark twein Ayaa Maalin maalmaha ka mid ah, waxaa ilbaabka ku soo
garaacay nin kaluumaysata ah. Mark twein Ayaa ka furay ninkii ilbaabka, mark
twein Ayaa lagu yiraahday iga iibso kaluunkan oo aan badda ka
keenay saka subbax dii, mark twein Ayaa ku Jawaabay Ma Rabo. waad na
mahadsan tahay.
maalin kii labbaad ayaa haddana lagu soo garaacay
ilbaabka gurigiisa, waa isla nin kii kalumaystaha Ahaa. haddana waxaa
lagu yiri iga iibso kaluun ka. waxu ku dhahay, Ma rabo kaluun ka.
mahadsanid, wuu iska tagay kalumaystihii.
haddana maalin kii saddexaada lagu soo garaacay ilbaabka, wuu ka
furay waa kaluumaystihii. waxaa la waydiyay mark twein inuu iib-sanayo iyo
in-kale, xoogga intuu fakiray mark twein ayuu yiri bal
Keen aan iibsadee. wuu gatay.
Mark twein wuxuu is la marki bilaabay inuu Jikada galo si uu
ukarsado Kaluunka. wuxuuna is-lahaa kaluun ku aad buu u dhadhan
fican yahay, waa na cusub yahay oo haddaa badda laga keenay. lkn
nasiib xumo kaluun ka waa mid laga keenay saddex maalin ka hor badda oo
dhadhan fican muu yeellan.
intu aad uyaabay! buu raadiyay kii kaluumaystaha ahaa markii u
helaay buu ku yiri. kaluun ka isii-say Aad bu u dhadhan xumaa ee
maxaa jiro ii khiyaantay. Saa kaluumaystihii baa ku yiri. saddex bari
ka hor ban ku dhahay iga iibso isago cusub, oo aan markas kala imid
badda xageeda, lkn nasiib xumo adigaa daahay oo dib isku dhigay. markaa
aniga waxba ha eedin. ee eed naftaada mudane. mahadsanid.
Gunanadka Sheekada"
Dib ha u dhigin shaqo aad qaban karto maanta, haddii kale sida Aad isu leedahay bari baad qabani buu waqtiga ka dhamaan, waxaana kugu moodi sidaas, Isbuuc, Bil, Sanad, markaa isku day waxaad rabto inaad qabato inaad maalin keeda ku qabatid,
maah maah carab oo Caan ah Ayaa Tiraah,
( " لاتؤجـــل
عمــل اليوم الي الغد ")
oo macnaheedu yahay( "marna dib ha u dhigin bari. shaqo Aad qaban karto maanta")
Dhamaad, mahadsanid, la wadaag asxaabtada,
_______________________________________
W/Q : Abdirahman Abdullahi

Comments
Post a Comment