Beenta Baraha-Bulshada !!!




Sawirka waa mar Aan joogey ( Nairobi national park  ) 

ilaa gormee !!!

---------------------------------------------------

Waa Wax Wanagsan inaad la Socoto Wixii cusub iyo Warkii Cusub ba, waana wax fican Aragtidada ku Aadan inaad cabirto. hadii aad dad hor joogto ama aad rabto inad la wadaagto baraha bulshada, lkn waa sidee..? qaabke Ayaad u cabiraysa?  Aragtidada ku Aadan waxa ka cusub baraha bulshada ama si guud waxa soo kordhay?

Soomaalida maanta waxaad malaysaa. warka marku cusub yahay ama ay soo siyaadan wax cusub inay ka fiirsan fikrada ay ka dhiibanayan, kuwa badan oo inaga mid ah indho la,aan ayay uga dhiibtaan fikradoda ku Aadan waxa cusub, waxaan ula jeeda kama fiirsano fikrada aan dhiibanayno, kuwa kale badan iyago kala hubsan warka cusub inu sax yahay in kale bay dhibtaan fikradooda ku aadan, lkn marna ma ficno wax aad hubin inaad la wadaagto dadka ama baraha bulshada.

Waxaa laga yaba dadka qaar iyago ay maqalay ku tahay Warka cusub kana maqlay dad kooban inay ku dag-dagaan Aragtidoda ku Aadan, sida hadii u fiidiyow yahay uu qof Duubay oona la leeyahay qofkaa wuu gafay ama wuu khaldamay, qaar keen iyago Daawan fiidiyowgaa bay si fudud ula-imanayan baraha bulshada caydiisa iyo dhaleceyntisa, Wa liba si xishood la,aan ah, caytan iyo Sharafta qofka wax laga sheego, waxaana laga yaaba inay u gafaan waalidinta dhashay qofkaa iyo qoyskisa dhamaantod.

Wanna wax Aad usoo badanaya, Dhanka Baraha Bulshada sida facebook, ama youtubeka ama twiterka inuu qofka hadal si u-yiraahdo ayaa dad kale si kale u-fasiraan, hubsiinyo la,aan qofkii loo gafo, Ama ay dhacdo in la Caayo si dhib yar, sharaftiisa wax laga sheego, xitaa suurta gal in wax walbo lagu tilmamo isago hadal kii uu yiri si fican loo hubsan ama loogu fiirsan.

Sidaa bay dadku qaar caqli moodeen, Marka waxaa ila quman inaan ka fiirsano hadalkeena, ku wajahan qofka gafay, fakir ahaan waa la kala Duwanaan karaa, Waa iska Caadi,  lkn Asluub Ma ah inaad ku been Abuurto qofka gafay ama cayno ama ku tilmaam wax u eheen si walbo u gafno ama uu ukhaldamo.

kala duwanashaha qaarkis wax un bu faa'iideeyaa, waa hadu wax wanagsan yahay, lkn hadii uu yahay Wax Xun, ilma ah inuu wax soo kor-dhinaayo, suurta galna ma ah inay wax wanaajiso af xumida  sida caytan ka. dhaliisha iwm. kali wax un bay sii xumaysa afxumidu.

Waxaa iga talo ah habka aan wax ugu sheegayno inaan ka fiirsano oo aan wanaajino oo Aana u isticmaalno hab sahlan oo uu fahmaayo qofka Gafay, ee ma ah inaan qadka ka sii bixino ama aan fogayno, Maah maah soomaliyed Ayaa tiraahda, (" Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday" ) murka muhiimada ma ah sidaa u fahantay ee waa siduu ula jeeday inaan u fahanto. 

Hadalkaa ulama jeedo waxba ha cabirin ee waxaan ula jeeda warka cusub sida loo dhigay ama loo yiri baa haboon inad u fahanto. kadib na aad aragtidada ku aadan Aad cabirto, ee ma ah, si kale inaad ugadiso ama aad u fahanto,  waxaa kaloo jirto... maah maah leh.  ( "Hubsiimo hal baa la siistaa." ) hadii hadal ka maqal kugu yahay adigu raadi oo hubso sax miyaa mise sax ma ah.

Adduunyada baraha bulshada, gaar ahaan xagga tikniyoolajiyadda casrigan ah noocyadeeda kala duwan, marna ha rumaysan, la soco, hana ku kadsoomin wax kasta oo aad ku aragto ama aad ka maqasho agab iyo sawirro. run ma ah intooda badan. haku kadsoomin marka. qofna haku dhaleeceen ama haku caynin wax aad hubin, mana fiicno Qofka in lagu takooro xumaanta uu sameeyay ama khalad ka dhacay, iyado taasi beddelkeeda loo baahan yahay in loo Nasteexeeyo oo aan marnaba meel looga dhicin sharaftiisa iyo cirdigiisa, intaa ayan  ku soo koobayaa qoraalkeyga ku aadan baraha bulshada iyo beenta dhex buuxda.

Mahadsanid. dhamaad. la wadaag Asxaabtaada.

--------------------------------------------------------------

W/Q : Abdirahman Abdullahi .   



Comments