fahan inta aan lagu fahmin adiga!!



----------------------------------------------------------
Fahan marka hore,si Adigana lagu fahmo !!!
wax yabaha Aadka isku xira dadka, Ayaa ah inay isfahman dadku, inkasto la isku khilaaf wax uun inta badan, Haddana waa wax fiican in la isfahmo,
Qoraaga buugga " Seven habits of highly effective people", ciwaan Ka mid ah buuggaas. Ayaa wuxuu ku le yahay, fahan dadka si Adigana lagu fahmo, Marka waa Muhiim inaad fahanto qofka wuxuu sheegayo. Adiga inta aan lagu fahmin, isku day inaad Adigu dadka dhagaysto, kadib na Aad fahanto wuxuu sheegayo, ma ah inaad maqasho kali ah ee. Waa inaad Dhagaysato, Dhagaysiga iyo Maqal ka way kala Xeelad dheer yahiin !!!
Sida u Qoraagu Sheegay, Maqalka Waa inad qofka Maqasho un, Aad wax kale ku darin.. Aadna mashqul iska tahay, wuxuu shaagaya Aad maqlaysid un, dhagaysigu wuu ka xeelad sareeye maqalka, dhagaysu waa inaad ku dhagaysato Qofka dhago iyo Qalbi furan, Ama aad laab furan ku dhagaysanaystoqofka, marka sidaa owgeed lagu dhahay inta aan lagu fahmin adigu isku day inaad fahanto qofka kale, dhagayso wuxuu sheegayo kadib Suurta gal inaad fahanto qofka ama uu ku fahmo.
Faaidada Ay le dahay inaad dhagaysto qofka kale.
1. waad hubsan waxa Aad sheegayso inuu sax yahay in-kale.
2. Waad fahmi qofka kale waxa usheegayo ama waxa aad isku khilaafsan tahiin.
Nasiib xumo Waxaa jiro dad aan diyaar u eheen inay dhagaystan dadka kale, Rabo uun in la dhagaysto toodda, Taasi waxay keeni in wax yaabo badan la isku fahmi Waayo, sababto ah qofka marka dhagaysto fikradisa iyo aragtidiisa Ayaa taadana la maqli. ama markii ay is dhagaystaan labadda qof ayay isku diidi karaan fikrad iyo aragati, maanta wax yaabaha Qosol ka leh aad ku arkaysid baraha bulshada ayaa ah qof Aragtiisa kali ah la quman tahay, aan isku daynin inu fahmo Aragtiyada dadka kale, marka ma ah taada kali ah inay ku laqumanaato, bal akhri aragtiyada dadka kale laga yaabe inay iyaduna kula qumanaato, waxaa kalo suurta gal inaad isku meel u wadaan fikrada, ee ha isku daaalina qofka kale.
Dulucda Sheekada.
Hadii Aad Rabto inaad is fahantan qofka, haku dagdagin inaad u jawaab celiso qofka, Usheeg inad fahantay Isaga, kadib isku day inaad ka dhaadhicso waxa Aad isku khilaafsan tahiin, suurta gal inuu ku fahmo ama Aad isla fahantaan qofka waxa Aad ku kala Aragti duwanaydeen.
Mahadsanid, dhamaad, la wadaag asxaabtada.

Qalinka : Abdirahman Abdullahi Muhumud.
=======================================================================

Comments