DHOWR SUAL Aan ka jawaabay Cudurka Corona? lagga yabe inaad is waydisay!!!!
Waa maxay cudurka cusub ?
Cudurka cusub waa cudur la yiraahdo
corana virus. waa cudur haligay waddamada aadka uhormaray, sida
china,Italy,usa,england iyo waddama kalo faro-badan, tarikhdu markey eheed
19,bishii12,2019, waxaa Arkay cudurkan dhakhtar ku nool Waddanka china.
kaas oo ku takhasusay indhaha oo la
yirahdo, Li Wenliang,
dhakhtarku markuu arkay wuxuu la
wadaagay Asxaabtisa oo isku kuleej Ahaayeen. 3,bisha1,2020, Ayuu la Wadaagay
baraha bulshada ee china laga isticmalo, Askarta china Ayaa ku eedayay inuu
been abuur gudbinayo Li, maalmo kadib
ayuu askarta china caga-jugleen kala kulmay Lii, xoogga kadib cudurka corana
ayaa soo ritay dad aad ubadan dowlada ayay xaqiiq-satay Cudurka inu sax yahay,
nasiib xumo lakiin waxaa udhintay cuddurka dad aad ubadan iyo dhakhtarkii Arkay
ee la dhihi jiray Li Wenliang,
waxay
tahay ba cudurka Wuxuu saameeyey dhaqalaha Aduunka dhamaantisa, wuxuu kalo
Saameyay isku socodka dhamaan wadamada calamka, wuxuu kalo saameyay dhamaan
gobaha wax barashada calamka, Meel walbo La Aadi jiray aduunka Wuu xayiray,
dad-weynaha calamka wuxuu ku abuuray cabsi badan iyo walwal. wuxuu kalo xiray dhamaan, Misaajida,iskuulada,Suuq,Makhayad,maktabad,
ma eheen cudur dhib-yar, wuxu kalo saameeyay dhamaan dhaqalaha aduunka sido wuu
saameeyay faqiir iyo taajir ba, cirole iyo caruurba. anigo la yaaban cudurka waxaan
is waydiyay suaal adag oo maankeyga ku soo dhacday oo ah.
Dhibku Waa halkee ?
Ma Muslimintii turkistaan ee dhibatada loo gaystay baa, ee laga xiray Misaajida, loona diiday isku imaadka, iyo isku socodka, lagana qaatay caruurtodaa?. Mise Waa Musliminta kashmiir ee dhibtada lagu hayo, sidoo kale laga xayiray isku socodka, ama laga Xiray misaajida iyo isku imaadka? Mise Dhibaatadu waa dhibataada Aan isku hayno Haddan nahay soomaali, Dhaca,Boobka, TUUGNIMADA, KUFSIGA, QABIILAYSIGA, Aan isku hayno miyaa?. Koleey dhibku ma yaro iyo dulmiga calaamka ka taagan waqti xaadirkan, laakin waa suurta gal in nala-Tusaayo dulmiga aan galnay si Aan uga laabano, ama aan iska dhaafno AMa Aan uga Towbadkeeno,..
Maxaan ka baranay?
Si kasta oo Basharku isku Bido Awood, heer kasta iyo Horumar kasta oo uu gaadho, Waa Daciif, in Awood ka sarreysa jirto Ayaa la ina Xasuusinayaa, Waxaa kalo laga Baranayaa, in dadaal iyo duco, dhawrsanaan iyo Naftu Waa Ammaanee la ilaaliyo loo baahanyahay, waxaa kalo laga Baranaya in Nimcada Ay tagayso hadii Aan Lagu Shukrin, sida Misaajida nalaga xiray waxay eheed Nimco Aan Haysanay shalay oo Maanta Aan Weynay. siiba muslimiinta ku nool Kenya, ILAAH Waxaan ka Baryayaa inu dib noogu furo Misaajida Aan ku tukuno Ramadanka,
يقول الإمام علي بن ابي طالب: "العافية إذا دامت جُهلتْ وإذا فُقدت عُرِفتْ!". فاللهم إنّا نسألك العفو والعافية والمعافاة الدائمة.
Cali binu Abii Daalib, " Wuxu Dhahay ....hadu Caafimadka Raagu lama Garto , markii la waayo la Garta "
Caadilow ilaahayow caafimad Taam Ah Nasii, Caadilow ilaahayow khatumada Noo suubi,
DHAMAAD.. Mahadsanid
-----------------------------------------------------------------------------------
Qalinka : Abdirahman Abdullahi Muhumud
Comments
Post a Comment