Maxaay tahay wax joogtaynta ?



______________________________________

Joogteyntu waa wax wanaagsan, lakiin waxay wanaagsan tahay markii la joogteeyo wax miro dhal ah, sida inaad joogteyso maalin walba Salaada waa wax miro dhal ah, ama inaad joogteyso maalin walba wax akhrinta waa wax miro dhal ah, waana wax wanaagsan qofka  noloshiisa inta ay isku dhex-yaac Sanaan laheed inay lahaato joogteyn ama wax uu tiigsanaayo. 

Waxaa jiro ereyo Qaar, marka loo isticmaalo meel gaar ah inbaddan, Qaato Macno Aan Macnahodii sax da eheen.

Waxaa ka Mid ah erayadaas “JOOGTEYN

Aan bal is la fahano ereyga joogteynta.

Maxaa laga waddaa Joogteynta Macnaheeda Saxda ah ?

Waxaa laga wadaa. dhawr talaaboyin oo Soo noq-noqanaya u Qofka Samaynayo.

Waana erey dhex-dhexaad ah, mana ah eray fiican Ama mid  xun. 

Talaaboyinka soo noq-noqnaya… waxaay noqon karaan mid wanagsan oo leh faa'iido, Ama mid  Aad ku caajisto oo ku Daaliyo oo aana faaido laheen. 

joogtaynta aad Samaynaysid.. adiga ayay ku xiran tahay.

Maalin walbo hadii aad ka Soo kacdo hurdada xili-danbe oo loo baahneyn, Aad sii saarnato muddo Gaarigaga Ama Bas kaga Aad ku aadaysid Goobta Shaqada, Wad Nici joogtaynta Aad samaynid maalin walbo.

lkn hadii aad ka soo kacdo huradada saladii subaxdi Adigo si fican uga dhargay Hurdada, Aad na tukato Salaada subax, aadna Si jawi dagan ku akhristo Qoraanka iyo Ducada subaxdii,  Aad na  si dagan ugu raxaysto dagananta Subaxdii,  Aad na cabto cabitaan kaga ugu fican ee aad jeceshahay, Aad yaro Jimicsato midda ay rabto ha noqotee, aad na Samayso wax yaalo muhim u ah noloshaada inta aad aadin shaqadada. ama  waqti hore na aad tagto shaqadada, ilma ah inaad nacaayso joogtayntada maalin laha ah.

Gunaanadka qormada.

Wax walbo aad joogtayso ama aad ku cel celiso had iyo jeer Haba-yaraado. waa wax kali ah ee had iyo jeer ku Damiinad qaadayo inaad Guul Gaarto.

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم"  أحب الأعمال إلى الله تعالى أدومها وإن قل"

Rasuulkeena suuban  S.C.W waxu yiri.

( "Ilaahay wuxuu ugu jecel yahay shaqooyinka la joogteeyo Ama la qabto  haba-yaraadan" ), Yacni Wax yar oo La joogteeyo  Ayaa ka wanaagsan tahay wax badan oo la go'gooyo. 

Joogteynta adigay ku xiran tahay, mar walbo waxaa wanaagsan inaad joogteyso wax aad faaido ka helaysid, sida wax yabaha wanaagsan ee noloshaada ku anfacaaya aduun iyo akhiro ba. isku day in Aad joogteyn Wax Aad faaido ka heleeynin, joogteeyntu qaar waxay fududaysaa wax walbo leh Nacfi Adun iyo midd Akhiro lkn adiga ayaa qofka dooranayo.

Dhamaad,Mahadsanid, Sii gudbi. ama la wadaag Asxaabtada.

______________________________

Qalinka☺ Abdirahman Abdullahi Muhumud

Comments