JOOJI ISBARBAR DHIGA XUN 📖
__________________________________
qof ka mid ah dadka shaqeeyo oo La Waraystay baa Yiri, Maalin walbo markan Aado shaqada Waxaan dareema Sida Inaan Ahay qof Guuldaraystay oo waliba xun, Markaad Maqasho Hadalka! Waxaad dareemi inuu yahay qof ka shaqeeyo meel la isku dulmiyo Ama Hayo shaqo Aad u Xun oo fiicnen, laakiin Waxa la yaab ka leh Ayaa Ah. Inuu ka shaqeeyo Meel Aad u fiican, Meesha u ka Shaqeeyo Na Waa Jamacada la Yirahdo Harverd, Waxaay na ka Mid tahay jamacadaha ugu fiican aduunka, Wuxuuna Qaata bil walbo Lacag Aad u badan, hadaba Waa maxay sababtu u sidaa uyiri? muxuu hadalkaa niyad Jabka Ah u-yiri! ?... Wuxuu dhahay hadii aad aragto Qolka Aan ku shaqeeyo dhankiisa midig waxa ka shaqeeyo qof la gudoonsiiyay billada Nobel brize ka Sayniska, aniguna Man ku gulaysan Wax bilada ah, Dhanka bidixna qolka aan ka Shaqeeyo Waxa iga fadhiyo mid qoray 40tan kitaab kabadn, aniguna Labo kitaab kali ah baan qoray,
hadaba Ninka Isbarbardhigaas uu sameayey waa tan ugu weyn ee ka Xaday ( Farxadiisa ) sido kale Waa tan Dareen siisay inu wax guul ah uu gaarin waligii, qof walbana Waa na tan dareen siisa. Si Walbo heer Sare u Gaaro Ama guul walbo Aad gartid inad waxba eheen. hadii aad isla barbar dhigto dadka kale, ogow na hadii Aad la barbar dhigto ilmahaga ilmaha kale Waa Dareemi inay guul Daraysten Ayna Xun yihiin, Hadi aad la Barbardhigto shaqadada shaqooyinka kale. waa dareemi inay xun tahay shaqadada, hadii Aad la barbar dhigto lacagtada lacagaha Dadka kale waa dareemi inaad haysan wax lacag ah, waxaana jirto oraah dhahayso, " Ha isbarbar dhigin noloshaada kuwa kale. Ma jiro isbarbardhig u dhexeeya qorraxda iyo dayaxa. Labaduba way ifayaan. markay tahay waqtigooda.
GUNANADKA Sheekad❤
Iisha ku haay Waxaad tiigsanayso iyo yoolkaga ku khaaska ah oo kali ah, hadii kale farxadada ayad ku weyni waaxaad na garan weyni nimcada aad ku sugan tahay, hadii aad rajaynayso inaad hesho qof kale waxa u haysto, Marna ha ilaawin Nimcooyinka Aad haysto ee uu ILAAH ku Siiyay, Iskana ilow is barbardhiga xun Aad samaynaysid. Mar marka qaar waxaan Rajaynaa inaan helno waxa ugu fiican Ay dadku haystaan, lkn kuma Xisaabtano inay Dadkas Soo Mareen loolan Adag oo dhanka Nolosha Ah iyo dhibaatoyinka adag oo nolosha ah, waligaa ha hilmaamin nimcda rabi ku siiyay!. mar walbo isku day inay maalintadu ka fiicnaato shalay dadii Hore, inad isla barbardhigto dadka kale waxba ku ma soo kordhinayso, waxa jirto oraah dhahayso " isbarbardhiga dadka kale, yay ka Xadin farxadada" , ma doonaysaa loolan? Naftaada waydii inay maalintadu ka fiicnaato shalaydii hore, loolan kaaga sidaa ka dhig
marka maalintada haku wacnaatu"
DHAMAAD, MAHADSANID, LA WADAAG ASXAABTADA,
___________________________________
W/Q: Abdirahmanabdullahimuhumed
Comments
Post a Comment